Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Qaybo Ka Mid Ah Beesha Caalamka.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku ayaa qaabilay wafti ka socda Midawga Yurub iyo waddamada Sweden iyo UK. Waftigaas oo uu hogaaminayay Safiirka Midawga Yurub Mudane Nicolas Berlanga ayaa sidoo kale waxa ku wehelinayay Safiirka Sweden Mudane. Staffan Tillander iyo Madaxa Xafiiska UK ee Somaliland, Mudane. Stuart Brown.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay guud ahaan arrimaha doorashada Somaliland oo hawlgalkeedii hadda socdo iyo sii xoojinta doorka taageero ee ay beesha caalamku Somaliland ka siiso arrimaha la xidhiidha dimuqraadiyadda iyo hirgalinta doorashooyinka.

Doorashooyinka Somaliland ee kuwa Golaha Wakiilada Iyo Golaha Deegaanka ayaa haatan la isku diyaarinayaa dhicitaankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*