Hoggaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya Oo Isaga Baxay Shirkii Ka Socday Magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada ayaa ku guuldareystay inay heshiis ka gaaraan khilaafka ka taagan doorashooyinka soo socda ka dib maalintii afaraad ee wadahadalada ka socda muqdisho sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.

Bilowgii kulanka waxaa jiray khilaaf xoogan oo ka dhashay qodobo dhowr ah waxayna madaxdu quus ka istaagtay in dib u habeyn buuxda lagu sameeyo shirkii Dhuusomareeb ee ugu dambeeyay.

Sikastaba, waxaa la isku raacay in wax ka badal lagu sameeyo heshiiskii hore inkasta oo dadka qaar ay ku doodayaan in lagu laabto Dhuusamareeb hadii heshiiska wax ka bedel lagu sameeyo.

Horay ayaa loo filayay in hogaamiyaasha ay soo saaraan war murtiyeed ay si wada jir ah u soo saari doonaan Maalinta Salaasadalaakiin waxaa lagu guuldareystay in meel la isla dhigo oo ay ka wada hadlaan arrimaha ay ka mid yihiin doorka guddiga doorashada ee hada jira iyo magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka baarlamaanka.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay in uuna Madaxweynaha Puntland soo xaadirin kulanka maanta isla markaana madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle ay ka baxeen goobta oo ay dib ugu laabteen hoteeladooda kadib markii isku day la doonayey in lagu helo tanaasul uu ku yimid fashil aad u xun.

Madaxweyne Farmaajo, Hogaamiyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sii wadey wadahadalo aan rasmi aheyn kadib markii wadahadaladii lagu kala kacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*