Madaxweynaha Jubaland Ahmed Mohamed Islam Oo Ka Tagay Shirkii Dawlada Federaalka & Dawladaha Xubnaha Ka Ah Kuna Laabtay Kismaayo & Sababta.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho wuxuuna dib ugu duulay magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo aaska Shafi Raabi Kaahin, Gudoomiyihii hore ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland, sidoo kale kamid ahaa aasaasayaashii Jubaland State oo ku dhintay weerar argagixiso.

Shalay Jimcihii ayaa Shafi Raabi Kaahin lagu dilay qarax is miidaamin ah oo ka dhacay Dekadda Kismaayo kadib markii uu ka soo baxay salaadii jimcaha.

Bixitaanka Axmed Madoobe ayaa imanaya xilli maanta oo sabti ah la filayay in uu furmo shirka wada tashiga ee u dhexeeya Dawlada Federaalka Somaliya ee Dawladaha xubnaha ka ah kaas oo ka dhacayay magaalada Mudisho gaar ahaan madaxtooyada Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*