Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Qaab Maqal & Muuqaal Ah Kaga Qayb Galay Xafladii Furitaanka Xafiiska Somaliland Ee Taiwan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaab Maqal iyo Muuqaal ah kaga qayb galay xafladii Furitaanka Xafiiska Somaliland ee Taiwan.

Somaliland ayaa maanta Si Rasmi ah u furtay xafiiska ay ku leedahay dalka Taiwan kadib markii ay laabda dal bishii June kala saxiixdeen heshiis diblomaasiyadeed.

Maadama uu si toos ah uga qayb gali kari waayay xaflada madaxweynaha ayaa qaabka maqalka iyo muuqaalka kaga qayb galay xaflada furitaanka.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad yar ka soo jeediyay furitaanka xafiiska Somaliland ee Taiwan isaga oo dawalada Tawian ugu hambleyeeyay in ay si Rasmi ah u aqbashay in ay Somaliland xafiis diblomaasiyadeed ka furato caasimada dalka Taiwan.

Halkan Hoose Ka Daawo Khudbada madaxweyne Biixi:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*