Madaxweynayaasha Hirshabelle Iyo Galmudug Oo Si Kulul U Weeraray Madaxweynayaasha Jubaland & Puntland

Madaxweynayaasha Hirshabelle Iyo Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Iyo Maxamed Cabdi waare ayaa Si Kulul U Weeraray Madaxweynayaasha Jubaland & Puntland ee Axmed madoobe iyo Siici Dani ka hor shirka ay dawlada Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah isugu imanayaan muqdisho.

Labada madaxweyne ee Axmed madoobe iyo Siciid dani ayaa diiday in ay ka qayb galaan shirkii dhuusamreeb3 iyaga oo ku xidhay shardi ah in uu madaxweyne farmaajo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub.

Laakiin Axmed madoobe iyo Siciid dani ayaa haatan ogolaaday in ay muqdisho kaga qayb qaataan shirka u dhexeeya dawlada Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ee ka dhici doona muqdisho maalinta bari ah.

“Walaalihii ka Maqnaa Shirkii Dhuusamareb 3 waxa ay dhaheen Reysul Wasaare iyada oo aan La Magacaabin Madasha Tagi Meyno Hadana Iyadoo Aan La Magacaabin Reysul Wasaare Ayey Yimaadeen marka ma Waxaan Dhahnaa Dhuusamareeb Ayey Diidanaayeen”ayuu yidhi Madaxweyne Qoor-Qoor.

Dhaka kale Madaxweyne Waare ayaa yidhi”Deni Iyo Axmed Madoobe kama yeelayno in ay Hadba Meel No Wadaan”.

“Waxa dad ugu dhib badan Nin aad sagootisay oo aan kaa socon iyo Nin aad sugayso oo aan kuu soo socon”.

“Hadii gogoshoodii aan sugnay, oo ayna na suga nagu odhan, Dib noogu dhiga aysan odhan, oo waana kan aysan lahayn, waxa aan isku dayna in aan la xidhiidhno, in aan doono, xitaa aan la hadlanay salaadiin iyo madaxweynayaal hore laakiin intiiba waanu waynay”.

“Laakiin waxa aan ka sugaynay in ay noo sheegaan waxa dhacay laakiin awlaba anaga ayaa tii hore gaynay tana ka maqnayn ka sugi mayno”.

“meesha aanan joogin lama joogo, waxa aanan odhana lama dhicin anaga nama qabato”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*