Markii 3-aad Shirkii Wadatashiga Dawlada Federaalka Somaliya & Kuwa Xubnaha Ka Ah Oo Baaqanaya, Maxay Tahay Sababtu.

Markii 3-aad Waxaa la filayaa inuu markale baaqdo shirkii wadatashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxda maamul gobaleedyada iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu waday in maanta oo sabti ah uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo maalmihii u dambeeyay wajahayey caqabado ismarin waa ah oo u dhaxeeyay Madaxda maamulada iyo Dowladda ayaa dib dhaca ku yimid maanta waxaa sababay Madaxda Maamulada Galmudug iyo Jubaland.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay galab safar deg deg ah ku aaday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halka Madaxweynaha Jubbaland isna shalay galab Kismaayo u aaday si uu uga qeyb galo aas loo sameenayo Gudoomiyihii rugta Ganacsiga ee Maamulka Jubbaland oo shalay qarax lagu dilay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirka uu galinka dambe ee maanta ka furman doono Villa Soomaaliya haddii ay soo laabtaan Madaxda Galmudug iyo Jubaland oo la sugayo halka warar kale sheegayaan in shirkaasi uu maalinta beri ah u dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*