Masuuliyiin & Shaqaale Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Loo Taxaabay & Sababta.

Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in ay xabsiga u taxabeen saraakiil lagu eedeyay falal la xidhiidha musuq-maasuq.

Hanti-dhawraha guud Axamed Yusub Dirir ayaa sidoo kale sheegay in ay xidheen dad shacab ah oo Isticmaalay warqado ay dawladu leedahay oo been abuur ah sidoo kale baadhitaano ku wadaan dawada Hoose.

Axmed Yuusuf Dirir oo la hadlaya Idaacada VOA ayaa sheegay in baadhitaanku ku kooban yahay shaqaalaha dawalada hoose oo ayna jirin madax sare oo wax baadhitaan ah lagu hayo.

Masuuliyinta la xidhxidhay ayaa ka hawlgelayey gobollada , Awdal, Togdheer iyo Saaxil kuwaasi oo isugu jira Xisbiyayaal , Isuduwayaal iyo shaqaale hoosaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*