Maxay Raggu U Jecelyihiin dumarka gaagaaban?

Ragga qaarkooda waxay jecelyihiin dumarka gaagaaban marka loo bar-bar dhigo dumarka dhaadheer qaarna waxay jecelyihiin dumarka dhaadheer, mid walibana wuxuu leeyahay dookh u gaar ah,qaarkoodna waxaa laga yaabaa inay isku raacaan soo jiidashada gabadha gaaban sababo badan awgood, maadaama ay u arkaan inay tahay haweeney kaamil ah Isla markaasna U arkaan gabadh nolosha la wadaagi karta.

hadaba aqriso maqaalka si aad u ogaato sababta ragga ay u jecel yihiin haweenka gaagaaban.

Nin kastaa wuxuu leeyahay dookh u gaar ah, qaar ka mid ah waxay jecel yihiin haweenka caddaanka ah qaarkoodna waxay jecel yihiin Gabdh buuran, ragga qaarkood waxay jecel yihiin haweenka gaagaaban sababahan awgood:

1.Waxa ay ka dhigaysaa Mid ka dheer gabadha xitaa hadii uu Isagu u muuqdo mid aan aad u dheerayn laakiin gabadhu marka ay gaabantahay waxa uu jecelyahay in uu ka dheeraado maadama ay Ragga qaar inta badan jecelyiiin in ay ka muuq dheeraadaan gabadha.

2.Waxa ay Ninka u fududaysaa in uu dhunkado ama uu laabta galiyo ama in uu laabtiisa saaro marka ay meel wada fadhiyaan.

3.Ragga qaar ayaa Gabadha Gaaban u arka kuwo ka farxad badan kuwa kale sidoo kale ka baashaal badan marka lagu jiro Shukaansiga halka uu sidoo kale Ninku si fudud u qaadi karo.

4.Ragga qaar ayaa aaminsan in gabadha gaaban tahay mid gabadh ahaan dhamaystiran taas oo ay ku soo jiitaan Ragga.

5.Ragga qaar ayaa jecel in ay noqdaan masuulka guriga sidoo kale noqdaan midka xoojinaya xidhiidhka gabadha gaaban ayaan u suurtagalinaysa arintaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*