Qarax Dhimasho & Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Meel U Dhaw Madaxtooyada Somaliya.

Ugu yaraan 5 ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa lagu dhaawacay magaalada Muqdisho kadib markii markii uu Qof is miidaamiyay isku qarxiyay bar koontarool oo ay ciidamada amaanka Somaliya ku leeyihiin meel u dhaw Madaxtooyada Somaliya ee Villa Somaliya.

Dadka Ku dhaawacmay ayaa u badnaa kuwo meel maqaaxi ah oo u dhaw goobta qaraxa fadhiyay oo wakhti ku qaadanayay sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhaw saraakiisha amaanka.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xidhay waxyaabaha qarxa oo Maqaayadda beegsaday.

“3 Qof ayaa dhimatay 7 kalana way ku dhaawacmeen kadib markii Qof naftii halige ah uu isku qarxiyey Banaanka Maqayadda Blue Sky, dadka dhintay waxaa ku jira Ilma yar oo Caseeye ah oo illaa hadda aan Meydkiisa la aqoonsan.” ayuu yku yidhi Afhayeenka u hadlay Dowladda Soomaaliya qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

Qaraxan lala beegsaday goobta ku dhaw madaxtooyada Somaliya ayaa imanaysa wakhti la filayo in ay maalint bari ah wadahadalada dawlada Federaalka iyo kuwa xubnaha ka ah ku kulmayaan madaxtooyada Muqdisho.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*