Qarax Weyn Oo Dhimasho & Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Dekedda Magaalada Kismaayo

Laba qof ayaa ku dhintay 18 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Dekedda magaalada Kismaayo kadib markii uu qof is miidaamiyay isku qarxiyay.

Madaxa Rugta Ganacsiga maamul goboleedka Jubaland Shafi Rabi Kahin ayaa loo maleynayaa inuu ahaa bartilmaameedka kaas oo si xun ugu dhaawacmay qaraxa dhacay si la mid ah dhawr ka mid ah ilaaliyayaashiisa gaarka ah.

Shaafi Raabi Kaahin, guddoomiyihii rugta ganacsiga ayaa ku geeriyoodey qaraxa kadib markii lala beegsaday isaga oo ka soo baxay salaadii jimcaha kadib.

Qaraxyada Is miidaaminta ah ayaa si weyn ugu soo badanaya Somaliya bilihii ugu dambeeyay iyada oo dagaalyahanada Al-shabaab sheegteen qaraxyadii hora uga dhacay meelaha kala duwan ee Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*