Sidee Ayay Somaliland Madaxweyne Farmaajo Ugu Qasabtay In Uu Tanaasul U Sameeyo, Isaga Ayaa Sharaxaya.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaliya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shaaciyay in uu ka tanaasulay Rabitaankiisii ahaa in doorasho qof iyo cod ah laga qabto Somaliya kadib markii ay maamul Goboleedyada Somaliya ka soo hor jeesteen.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka soo jeediyay xafladii lagu xidhayay shirkii ka socday muqdisho ee dhawrka maaalin socday ayaa xaqiijiyay in uu ka tanaasulay rabitaankiisii ahaa doorashooyin qof iyo cod ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa go’aankiisa ku sababeeyay in uuna doonayn in ay maamul goboleedyadu goostaan Sida Somaliland oo muddo 30 sano ka hor ah ka goosatay Somaliya haatana ah wadan gaar ah oo awood leh.

Hadaba Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka khudbada Farmajo:

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*