Sidee Ayuu Ninka Xanaaqa Badan U Soo Bandhigi Karaa Jacaylkiisa?

Ragga ayaan Run ahaantii ahayn sida dumar waxana u fudud in ay si dhib yar u muujiyaan jacaylka iyo dareenka ay u qabaan qofka kale maadama ay inta badan dareenkooda iyo waxa qalbigooda ku muujiyaan ficilladooda taas oo dhibaato ku noqota dumarka marka uu Ninku yahay mid xanaaq badan waliba mar walba isku dayayo in uu muujiyo awoodiisa waliba qariyo waxa ku jira qalbigiisa xitaa hadii uu qalbi fiicanyahay waliba yahay mid daryeel badan.

Sida aan soo sheegnay Ragga ayaan ku fiicnayn in ay jacaylkooda iyo dareenkooda ku muujiyaan ereyo laakiin ficilladooda ayaa inta badan ka hadla dareenkooda marka laga hadlayo jacaylka waxana ay sameeyaan waxyaabo muujinaya in uu gabadha jecelyahay sidaas darteed gabadheey ha sugin in uu kuu sheego jacaylka uu kuu qabo.

Hadii aad fahmi karto waxyaabaha uu samaynayo marka uu kula joogo ama kugu dhawyahay waxa ay cadayn u tahay jacaylka ninka xanaaqa badan.

Hadaba Sidee Ayuu Ninka Xanaaqa Badan Jacaylkiisa U Cabiri karaa:

1.Waxa Uu Xasuustaa Waxa Ay Gabadhu Ku Tirtaahdo xitaa hadii ay kalmado xun yihiin.

2.Waxa uu mar walba doonaa in uu si joogto ah u ilaaliyo waxa uu gabadha u soo bandhigayaa Ragganimadiisa iyo awoodiisa si uu gabadha u dareensiiyo in uu danaynayo.

3.Waxa uu ogolaanayaa waxyaabaha aad doonayso xitaa waxyaabah ugu yar hadii aanad xitaa ka dalban.

4.Waxa uu Gabadha kala hadlaa riyooyinkiisa iyo qorshaha mustabalkiisa.

5.Waxa uu gabadha barayaa qoyskiisa iyo Asxaabtiisa.

6.Waxa uu raali galinayaa gabadha xitaa hadii uu isagu sax yahay.

7.Muddo dheer uma cadhaysanaan karo gabadha uu jecelyahay xitaa hadii ay khalad xun ka gasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*