Somaliland: 5 Qof Oo Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii Laga Shakiyay

Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Togdheer, gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlay xarunta taliska Booliska Qaybta Gobolka Togdheer ayaa ka hadlay hawl galo kala duwan oo ay ciidaamad boolisku habeenadii ugu dambeeyay ka wadeen gudaha magaalada Burco.

Taliye Cali Maxamed Faarax ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen dad ay ku soo qabteen hawlgalada ay wadeen habeenadii ugu dambeeyay.

Tirada dadka ay soo xidheen ayaa lagu qiyaasay 5 qof kuwaas oo laga shakiyay haatana ku socoto baadhis lagu ogaanayo arimohooda.

Taliyaha ayaa diiday in uu ka hadlo waxyaabaha lagu soo xidhay 5-ta qof isaga oo sheegay in ay wax walba kala cadaan doonaan marka ay baadhitaankooda dhamaystaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*