Somaliland: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Maanta Dhaaliyay Xildhibaan Cusub Oo Ku Biiraya Golaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan X. Cali Axmed ayaa maanta dhaariyay mudane Jamaal Maxamed Warsame, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya xildhibaanada golaha Wakiilada.

Xildhibaan Jamaal Maxamed Warsame ayaa buuxiyay jago ka banaanaatay golaha Wakiilada JSL, taasi oo uu ka geeriyooday marxuum Axmed Maxamed Nuur isla markaana golaha Wakiiladu 20-kii bishan iclaamiyeen in jagada marxuumkaasi banaan tahay, marxuuka dhintay ayaa ka mid ahaa mudanayaashii Xisbiga UDUB ee laga soo doortay gobolka Togdheer, halka kaydka koobaad ee ku xigayna uu noqonayay Xildhibaan Jamaal.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 21-kii bishan codsi ay ku dalbanayaan in la buuxiyo jagada ka banaanaatay golaha Wakiilada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*