Somaliland: Madaarka Diyaaradaha Ber-Bera Oo Noqon Doona Midka Ugu Casrisan Qaarada Africa.

Shaqada ka socota madaarka caalamiga ah ee diyaaradaha Berbera ayaa ku dhaw in uu dhamaado iyada oo loo diyaarinayo kaabayaal cusub kaas oo ka dhigaya mid ka mid ah madaarada ugu fiican qaarada Africa sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Guud ee Madaarka Berbera.

Agaasimaha Guud ee Madaarka Berbera ayaa sheegay in maalgelin dhab ah lagu sameeyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo qalabka si loo hubiyo in garoonka diyaaradaha, oo ah kii labaad ee dalka laga hirgaliyo marka laga yimaado Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee caasimada Somaliland ee Hargeysa uu buuxiyo shuruudaha caalamiga ah.

Marka loo eego in uu u dhawyahay Dekedda cusub ee Berbera oo ay dhistay Dubai Ports (DP) World, iyo waddo weyn oo afar haad ah oo u socota caasimadda Hargeysa oo qaabaynaysa, Madaarka Berbera ayaa yeelan doona awood balaadhan oo uu ku xamili doono dad, gaadiid iyo xamuulba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*