Somaliland & Puntland Oo Isku Hub Uruursanaya & Xiisad Dagaal Oo Ka Jirta Gobolka Sool.

Xiisad dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ay jirto Gobolka Sool gaar ahaan deeegaanka Tukaraq sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxayay gobolkaas.

Somaliland iyo Puntland ayaa ciidamo ku soo dhoobay gobolkaas kadib dhaq-dhaqaaqyo laga dareemay saacadihii ugu dambeeyay.

Dhaq-dhaqaaqa ciidan ayaa yimid kadib markii Somaliland ciidamo iyo hub aad u badan gaysay deegaanka Tuka-Raqa kuwaas oo ay ku xoojinayso ciidamadii horay u joogay halkaas.

Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa iyaguna ku sugan gobolka sool iyaga oo hor fadhiya ciidamada Somaliland halka ay dhankooda ciidamado xoojin ah soo wadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*