Somaliland: Qaar Ka Mid Ah Dhalinyarada Taageerayaasha U Ah Xisbiga Kulmiye Ee Gobolada Barri Oo Eedaymo U Soo Jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

Qaar Ka Mid Ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee ka soo jeeda gobolada Togdheer, Saaxil, sanaag iyo Saraar oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo Kulan balaadhan isugu yimid magaalada Burco ayaa si weyn uga soo hor jeestay Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga ee dhici doona bisha dambe.

Dhalinyaradan oo ah kuwo miisaan ku leh xisbiga Kulmiye ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu Afduubtay Shirweynaha Xisbiga isla markaasna uu baabinayo xisbiga.

Sidoo kale aqoonyahanadii kulanka ka hadlay ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu curyaamin ku wado dhaqaalaha iyo maalgashatada ka soo jeeda gobolada kor ku xusan.

Dhalinyarada ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in uu xayiraada ka qaado diyaaradaha Fly Dubia iyo Air Carabiya oo ay ka heli jireen shaqo abuur weyn dhalinyaro badan oo Somaliland ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*