U Gaar Ah Ragga: Saamaynta Guurka LABAAD Ku Yeesho Nolosha Ragga.

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in guurka 2-aad ee Ninku saamayn weyn ku yeesho Noloasha dhinac walba hadii ay tahay dhanka farxadiisa ama in uu helo fursad uu Guul kaga gaadhi karo Nolosha.

Cilmi baadhayaasha soo saaray daraasadan ayaa sheegay in Guurka 2-aad uu Ninka siiyo kalsooni iyo waliba raaxo weyn taas oo ka caawin karta in uu gaadho wax walba oo uu doonayo in uu ka gaadho nolosha.

Sidoo kale guurka 2-aad ayaa Ragga ka caawiya in ay helaan caafimaad buuxa iyo waliba in uu sii dheeraado cimrigiisu inkasta oo uu Illahay arintaas garan karo.

Waxa intaas sii dheer in daraasadu sheegtay in Ninka 2 jeer guursada in uu helo caruur badan oo sii badinaysa tafiirtiisa dhanka ubadka halka ay sidoo kale qoyskiisu ku noolaan karaan farxad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*