U Gaar Ah Ragga: Waa Maxay Sababta Ay Raggu U Jeclaadaan Dumarka Madaxa Adag.

Sida uu sheegay Dhakhtar Kariim, waxa jirta daraasad nafsi ah oo lagu ogaaday in ay Raggu jeclaadaan Dumarka madaxa adag xilli daraasad sidoo kale lagu ogaaday in Dumarku kaga badan yihiin dhanka madax adagyda dhanka Ragga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababta ay Raggu ku jeclaadaan Gabadha maskaxda adag.

1.Waxay si dhab ah u ogtahay waxa ay rabto:

haweeney madax adag ayaan ka labalabeyn ama ku jahwareerin go’aanadeeda, laakiin way ogtahay hadafyadeeda iyo waxa ay sifiican u rabto waxayna ku dadaalaysaa inay gaarto.

2.Ninkeeda ayey Ku Riixdaa In Uu Fiicnaado:

Ninkeeda ayey siisaa si uu u fiicnaado: Mararka qaar haweeney madax adag ayaa ninkeeda ka aqoon badan naftiisa, waxeyna kula dagaashaa isaga inuu doorto waxa isaga u fiican, waxeyna noqoneysaa mid aan ka noqosho laheyn marka ay timaado caafimaadkiisa ama farxadiisa, waxeyna ka caawisaa inuu naftiisa aad u jeclaado.

3.Waxay u sheegtaa ra’yigeeda si waadax ah:

Gabadha Madaxa adagĀ  ma mid fududĀ  lagu qancin karo, mana aha nooca ogolaada ninkeeda kaliya cabsi, naxariis ama daciifnimo, waxay u sheegtaa ra’yigeeda si furan marka ay aragto wax ayna raali ka ahay waxana ay xidhiidhkeeda ka dhigtaa mid daacad ah.

4.Waxay ka dhigeysaa waxyaabo xiiso leh:

Haweeneyda madax adag waxay ku kalsoon tahay waxa ay aaminsan tahay oo ay difaaceyso, tanina lafteeda waa mid raggu ku jeclaadaan waxana ay mar walba heshaa wado ay ku soonaysiiso kuna xoojiso jacalka ka dhexeeya iyada oo Gacaliyeheeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*