Wasiirka Caafimaadka Oo Digniin Udiray Shacabka Somaliland Iyo Ujeedada

Wasiirka Wasaarada horumarinta Caafimaadka Somaliland ee Cumar Cabdilaahi ayaa Fariin u diray shacabka Somaliland isaga oo sheegay in Gobolo Ka Mid ah dalka uu xanuunka Korona dib uga soo cusboonaaday ama ugu soo laabtay.

Wasiirka ayaa Bulshada Somaliland u sheegay in ay qaataan talooyinkii horay loo soo jeediyay ee ku saabsanaa xanuunka Korona si looga badbaado xanuunka.

“Waxa aan doonayaa in aan bulshada u sheego in uu wali xanuunku jiro, gobolada qaarkoodna uu ku soo laabtay kuna soo badanayo xanuunku”.

“Sidaas darteed waxa muhiim ah in ay dadku qaataan tilmaamihii caafimaad ee loo soo jeediyay sida faraxalka, kala fogaanshaha iyo in uu qof walba oo muwaadin ah la socdo xaaladiisa caafimaad”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*