Aflagaadeynta Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo dhan

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa cambaareeyay faransiiska sida ay ula dhaqmayso diinta Islaamka, isaga oo intaa ku daray in taageerada reer galbeedka ee kartoonada ka turjumaya Nebi Muxamed {N.N.K.H} ay tahay mid anshax xumo iyo aflagaado ku ah Muslimiinta.

Kulan golaha wasiirrada ee Arbacadii telefishanka laga sii daayay, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in xorriyadda ay la socoto ixtiraamka qiyamka iyo tixgelinta anshaxa.

“Reer Galbeedku waa inay fahmaan Nabiga weyn ee Islaamka inay jecel yihiin Muslimiinta oo dhan iyo dadka jecel Xoriyada adduunka,” ayuu yiri Rouhani.

“Aflagaadeynta Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo dhan. Aflagaadeynta Nabiga waa aflagaadeynta nebiyada oo dhan,Qiimaynta aadamaha waxana ay u dhigantaa mid anshaha wax u dhimaya”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*