Allahu Akbar… Qaabkii Ay U Muslimtay Haweenay U Dhalatay Dalka France Oo Muddo 4 Sano Ah Afduub Loogu Haystay Mali

Haweeney 75 jir ah oo ka shaqeysa gargaarka caafimaadka una dhalatay dalka France oo afduub loogu heystay dalka Mali muddo afar sano ah ayaa ku laabatay dalka France maalintii jimcihii.

Waxaa lasii daayay horaantii todobaadkan, maalmo kadib markii dowlada Mali ay siideysay ku dhowaad 200 dagaalyahano Islaami ah iyada oo u muuqata in is dhaafsi maxaabiis tahay.

Haweenayda oo jimcihii ku laabatay dalka France ayaa xaqiijisay in ay diinta Islaam-ka gashay intii ay maxbuuska u ahayd kooxda Islaamiga ah.

Waxa madaarka ku soo Sophie Petronin madaxweynaha dalka France ee Emmanuel Macron.

“Farxaddayda ugu weyn maanta waxay tahay inaan ogaado in kaaliyehaygu awood u yeeshay inuu sii shaqeeyo aniga la’aantay”ayay Petronin u sheegtay wargayska Le Point

“Mali waan u ducayn doonaa, waxa aan u baryi doonaa barakada iyo naxariista Allah, maxaa yeelay waxaan ahay Muslim, Waxana aan la baxay Maryam aniga oo iska badalay magacaygii hore”.

Maryam oo 75 jir ah ayaa laga afduubtay Gobolka Gao ee waqooyiga Mali bishii Diseembar 2016 iyada oo halkaas ka waday gargaar dhanka caafimaadka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*