Banaanbaxyo Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Burco Kadib Kufsi & Dil Loo Gaystay Hooyo 3 Caruur ah Dhashay.

Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer waxaa maanta ka dhacay mudaharaad xoog leh oo lagaga soo horjeeday hooyo da ’yar oo lagu magacaabo Ugbaad Cali Cabdilahi oo la sheegay in la kufsaday lana dilay.

Badhasaab ku xigeenka togdheer oo qadka taleefanka ugu waramay TV-ga CBA ayaa sheegay inay wadaan baadhitaan kiiskaasi isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka gaystay.

Banaanbaxan ayaa waxaa dhigayay haweenka magaalada waxayna dalbanayeen in cadaalad la siiyo gabadha Loo gaystau Kufsiga iyo waliba dilka.

Ciidamada booliska togdheer ee kala eryay mudaharaadayaasha waxana ay u balan qaadeen in cadaalada loo samayn doono Ugbaad.

In kasta oo cisbitaalka iyo maamulka gobolka togdheer midkoodna aanu xaqiijin kiiska kufsiga ah, hadana gudoomiye ku xigeenka ayaa beeniyay in kiiska lagu xallin doono qaab qabiileed

Ubad Cali C / Laahi waxa ay ahayd Hooyo kaligeed Korisa 3 caruur ah iyadoo warar aan la xaqiijin ay sidoo kale sheegeen inuu jiro xiriir jacayl oo ka dhexeeya gacan ku dhiiglaha iyo Ugbad.

Maydka Marxuum Ugbaad ayaa wali yaala cisbitaalka dawlada ee magaalada burco halka eedeysanuhu  ku jiro gacanta booliska.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*