Beesha Caalam-ka Oo Loogu Baaqay In La Gaadhay Wakhtigii La Aqoonsan Lahaa Somaliland.

Wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha Africa ee Herman Jay Cohen ee dalka Maraykanka Sanadadii 1989kii ilaa 1993kii ayaa ku baaqey in la aqoonsado Somaliland oo la gaadhey wakhtigii ay aqoonsi caalami ah heli laheyd,

Cohen ayaa qoraal uu soo dhigay bogiisa Twitter-Ka waxa uu si qoto dheer uga waramey taarikhda Somaliland, xaaladeeda waxaanu beesha caalamka ugu baaqey iney si run ah u eegan xaqiiqada dalkan ku yaala geeska afrika waxa uu si adag ugu adkeeyey wadamada caalamka oo dhan iney si dhab ah dabada uga riixan aqoonsi sidii ay Somaliland u heli laheyd.

Cohen ayaa ahaa shakhsigii ku guuleystay in  Itoobiya lagu qanciyo madaxbanaaninada  Eritrea wakhtigaas oo uu ahaa Wasiir ku xigeenka arrimaha africa ee Maraykanka,

Sidoo kale waxa uu si nabad ah u xaliyey 1991kii khilaafkii ka dhex aloosna Mozambique  iyo Angola.

Qayb kooban oo taariikhdisa ah iyo qoraalka Twitrerka uu soo dhigey ayaa sawirada hoose ka akhrisan kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*