Ciidamada Booliska Degmada Guriceel Oo Qabtay Gabadh Laga Soo Afduubtay Magaalada Muqdisho

Taliyaha ciidanka booliska degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Dhamme Cismaan Cali Hudey oo goordhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyey in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaari rakaab ah oo ay saarneed Hibo Maxamed Xasan taas oo la sheegay in shalay laga afduubtay magaalada Muqdisho, waxaana uu taliyuhu sheegay in dhamaan dadkii saarnaa gaariga la hayo baarisna ay ku socoto.

Ciidamada Booliiska Degmada Guriceel ayaa gacanta ku dhigay Hibo maxamed Xasan oo shalay qoyskeedu waayeen iyadoo markii ugu dambeysay u sheegtay in afduub ahaan loogu  heysto meel mugdi ah.

Baaritaan ayaa ku socda arinkan waxaana qosyka gabadhan la ogeysiiyey in Ciidamadu hayaan iyada oo badqabta oo aan wax dhibaato ah qabin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*