Dadka Ku Nool Magaalada Buulaburde Oo Ka Cabanaya Dhaqan & Xeerar Ay Ciidamada Djibouti Kula Dhaqmaan.

Dadka ku nool magaalada Buulaburde ee dalka Soomaaliya ayaa ka cawday xeelado cusub oo gacan culus ah iyo xayiraad ay soo rogeen ciidamada Jabuuti, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dalka.

Ciidamada ayaa dhowaan ugu yeeray ganacsatada maxalliga ah iyo waxgaradka xaruntooda iyagoo ugu hanjabay inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo haddii ay cabashooyinkooda ka gudbiyaan warbaahinta iyagoo ka cabanaya cadaadiska ku sii kordhaya dadka deegaanka. Ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada ayaa aalaaba adeegsada koronto iyo xirida isgaarsiinta taasi oo ilaa iyo hada curyaamisay dhaqaalaha deegaanka.

Jimcihii, ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti waxay diideen diyaarad ku xirneyd Buulaburde inay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada si ay u qaado bukaan aad u xanuunsan si ay ugu qaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho.Ciidamada ayaa dadka deegaanka u sheegay in maalintaas ay ka maqnaayeen shaqada oo ay ku mashquulsanaayeen dhar dhaqiddooda.

Sarkaal maxali ah ayaa warbaahinta u sheegay in si la mid ah, duulimaad siday waraaqo imtixaan qaran laga diiday horaantii sanadkan ogolaansho degitaan garoonka diyaaradaha ee Buulaburde iyada oo markii dambe ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay garoonka soo galeen si ay u hubiyaan in diyaarada si nabad ah ay ku soo degtay.

Dhaqanka rabshadaha iyo gacan ka hadalka culus ee ciidamada Jabuuti ee ka dhanka ah dadka ku nool Buulaburde ayaa sii badanaya tan ilaa markii magaalada lagala wareegay kooxda hubaysan ee Al-Shabaab horraantii 2014.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*