Dagaal Ay Ugu Yaraan Ku Dhinteen 20 Askari Tiro Kalena Ku Dhaawacantay Ayaa Dhexmaray Ciidamada Soomaali iyo Liibiya & Goobta Uu Dagaalku Ka Dhacay.

Ugu yaraan 25 askari oo isugu jira Soomaali iyo Liibiya ayaa ku dhintay iska horimaad ka dhacay dalka Turkey-ga agar ahaan saldhig militari oo ku yaal magaalada Isparta ee galbeedka Turkiga kaas oo ka dhashay muran aan la cadayn.

Dhacdadan ayaa daba socota xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya askarta Soomaaliya iyo Liibiya oo dhowaan tababar ku soo qaatay ciidamada kumaandooska ee Turkiga waana iska hor imaadkii ugu horreeyay ee dhimasho iyo dhaawac ah ee dhexmara labada dhinac tan iyo markii Turkigu bilaabay inuu tababaro milatari siiyo Libya iyo ciidamada qaranka Soomaaliya.

Dagaal ayaa ka dhacay Xerada Milatariga Temaş ee ku taal Isparta kadib markii la sheegay in askari Liibiya u dhashay uu toorey ku dhaawacay gabar Soomaali ah oo ay saaxiibo ahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 300 ilaa 400 oo askari ay ku lug yeesheen iska horimaadka dhimashada badan dhaliyay iyadoo labada dhinac ay is weydaarsadeen mindiyo iyo noocyo kale oo hub ah.

Askartan ayaa tababar kumandoos ah ku soo qaatay akadeemiyada militariga ee bartamaha buuraha Isparta waxaana la sheegay in usbuucyo gudahood ay ku sii jeedaan dalalkooda.

Warbaahinta maxalliga ah ee Turkiga ayaa ku waramaysa in tiro askar ah oo dhaawacyo culus qaba la geeyay isbitaalka weyn ee Isparta isla markii uu dagaalku socday. Inka badan 20 askari ayaa la sheegayaa in dagaalka ay ku dhaawacmeen tiro badana ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*