DEG-DEG: Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Ka Baxay Cusbitaalkii Loo Dhigay Xanuunka Korona.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu soo waramayaa in uu ka baxay Cusbitaalkii la dhigay 3 maalin ka hor markii uu xaalkiisu xumaaday kadib markii uu ku dhacay xanuunka Korona.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay Cusbitaalka oo lagula tacaalayay maalmihii ugu dambeeyay kadib markii laga helay xanuunka Korona.

Donald Trump oo uu haatan xaalkiisu caafimaad fiicnaaday ayaa loo ogolaaday in uu ku laabto Aqalka Cad si uu u sii wado Ololihiisa doorasho.

Madaxweyne Trump ayaa la arkay isaga oo u gacan haadinaya taageerayaashiisa xilli uu ku jiray gaadhigiisa shaqsiga ah ee lagu waday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*