Doorashada Maraykanka, Ayaa Ku Horeeya Codadka Ilaa Haatan La Bixiyay?

Maalinta Doorashada dalka Maraykanka ayaa noqon doonta Salaasada dambe gaar ahaan 3 bisha November Madaxweynaha Donald Trump iyo ninka ka soo horjeedana Joe Biden waxa ay ku jiraan ololohoodii ugu dambeeyay si ay malaayiinta Mareykanka ugu qanciyaan qorshohooda.

Sabab la xidhiidha xanuunka Korona tirada ugu badan ee codbixiyayaashu waxa ay codkooda ku dhiibteen qaab Email ah iyada oo dadka ilaa haatan wakhti hore codeeyay gaadhayaan 64.7 milyan qof.

Warbixintii ugu dambaysay ee la soo saaray ayaa sheegaya in Musharaxa la tartamaya madaxweynaha ee Joe Biden uu madaxweynaha kaga horeeyo dhanka codka guud ee dalka iyada oo uu Biden haysto 51% halka uu madaxweyne Donald Trump haysto kaliya 43%.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*