Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Maroodi-jeex Oo Hanjabaad Dil Ah Kala Kulmay Taliye Boolis.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa xaqiijiyay Gudoomiyahooda Maroodijeex uu hanjabaad dil ah kala kulmay Taliyaha Booliska Saldhiga Dalloodho iyada oo uu Xisbigu si adag u cambaareeyay talaabadaas.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga Waddani Xamse Xiise oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Taliyaha Booliska ee Saldhiga Dalloodho uu Dil hanjabo Waxana uu Booliska Somaliland ugu baaqay in ay si fiican uga fiirsadaan kiiska.

Masuuliyiin kale ayaa sidoo kale dhaleeceeyay arrintan. In kastoo dowladda iyo laamaha amniga ee dalka aysan weli ka hadlin arrintan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*