Itoobiya Oo Dal Gaar Ah U Aqoonsatay Somaliland.

Wasiirka Waxbarashada dawlada deegaanka Somalida Itoobiya ee Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xaqiijiyay in ay Somaliland tahay dal gaar ah oo horumar ka gaadhay meelo badan.

Maxamed Faarax Maxamuud oo ka qayb qaatay shirweynaha Xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye ayaa khudbad kooban ka soo jeediyay intii uu socday shirku.

Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud ayaa sheegay in ay Somaliland tahay dal gaar ah oo meelo badan horumar ka gaadhay uguna horayso Nabad galyada iyo waliba meelo kala duwan oo ay dawladnimadu leedahay.

Hadalka Wasiirka Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa imanaya xilli ay Somaliland doonayso in ay hesho aqoonsi gaar ah.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*