Kenya Oo 3 Shardi Ku Xidhay In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdo Somaaliya

Wasiirka Difaaca Kenya Monica Juma ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixisay qorshaha dowlada ee ku aadan inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Wareysi gaar ah oo ay siisay warbaahinta Kenya, Monica waxay meesha ka saartay in Kenya ay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta.

“Kenya waxay xubin ka tahay howlgalka midowga Africa ee AMISOM waxayna u hogaansantay qaraarkii qaramada midoobay” ayay tiri.

“Runtii ma jiraan waxyaabo u baahan in la caddeeyo. Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Waxaan halkaas ku aadnay qaraar Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la wada ogsoon yahay in howgalladayada Soomaaliya ay socdeen tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadihii 1991-1992, ”ayay sii raacisay.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa ku dhawaaqay shuruudaha ka bixitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya iyada o sharaxday saddex shardi oo kala ah:

1- Nabadda Soomaaliya

2- In Al-shabaab laga adkaado

3- in maamullada deegaanku ay awood u yeeshaan inay sugaan amniga.

“Waxaan u tagnay Soomaaliya sabab, dabcan waxaa jira shuruudo aan ku aadi karno halkaas annaga iyo AMISOM. Shuruudahan ayaa kala ah; In nabad laga abuuro Soomaaliya, laga adkaado al-Shabaab loona oggolaado maamullada maxalliga ah in ay ilaaliyaan amniga. ”Ayay ku celisay.

Ugu dambeyn, Monica Juma waxay hoosta ka xariiqday in Kenya ay leedahay qorshe u gaar ah oo ay ciidamadeeda ugala baxeyso Soomaaliya, balse waxay caddeysay inay qayb ka yihiin go’aanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*