Kenya Oo Ka Mudaharaaday tallaabada Madaxweynaha Markaykanka Ee Trump uu ciidamadiisa uga saaray Soomaaliya

Dalka Kenya ayaa mudaaharaaday tallaabada Mareykanka uu ciidamadeeda ugala baxayo dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Kenya ayaa sheegtay in tallaabada noocan oo kale ah ay u badan tahay inay khatar gelinayso abaabullada amniga ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo horumarinta ujeeddada guud ee bulshada caalamka.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ee Kamau Macharia ayaa sheegay in Kenya ay mudooyinkii la soo dhaafay la kulantay dhaqaale xumo iyo dib u dhac dhaqaale kadib weeraradii argagaxisada ee ay kala kulantay Al-shabaab oo ay ku jiraan kuwii qaraxii safaarada Mareykanka ee 1998 iyo weeraradii Westgate Mall iyo Dusit 2 Hotel iyo kuwo kale.

Hadalka Macharia ayaa imanaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ku wargaliyay la taliyayaashiisa sare inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya.

Qoraal ay daabacday Bloomberg ayaa lagu sheegay in tani ay u oggolaan doonto Trump inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadii ololaha ee ahaa inuu askarta dalkooda keenayo in kasta oo Soomaaliya ay weli ku sugan tahay khatar weyn oo kaga imaaneysa kooxaha Argagixisada.

Sida laga soo xigtay warka Pentagon-ka ayaa bilaabay dejinta qorshayaasha madaxweynaha, waxaana wadahadalada ku lug lahaa Lataliyaha Amniga Qaranka Robert O’Brien, Xoghayaha Difaaca Mark Esper iyo Gudoomiyaha Wadajirka ee Shaqaalaha Mark Milley.

Kenya waxay sheegtay inay sii wadayso raadinta qaabab loogu beddelayo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka siyaabo dardargelin kara kobaca dhaqaalaha isla markaana saameyn qoto dheer ku leh nabadda iyo horumarka Kenya iyo gobolka Bariga Afrika.

Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee soo socda ee lala yeelanayo Mareykanka wuxuu heystaa ballanqaad weyn oo ku aaddan nidaam ganacsi oo aad u xoog badan oo u dhexeeya waddamada iskaashiga la leh. Ma jiro wax farriin xoog leh u diraya koritaanka iyo xiriirka ganacsi ee ka wanaagsan iskaashiga laga dhex abuuray jawiga xasilloon ee horumarka leh ee aan lahayn wax khatar ah, gaar ahaan kuwa kooxaha argagixisada sida Al-Qaacida Iyo kuwa xidhiidhka la leh ee Al-shabaab”ayuu yidhi Macharia

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*