Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo Tobabar 2 maalmood socday ugu soo gabo-gabeeyey huteelka Ambassador Shaqaalaha KDQ ee heer Gobolada iyo heer Degmooyinka.

Waxaa shalay oo ay taarikhdu ahayd 20 October KDQ ugu soo gabo-gabeeyeen tobar socday mudo laba maalmood ah oo wax logu baraayey shaqaalaha KDQ ee heer Gobol iyo heer Degmo.

Tabarkani waxa uu xabaarsanaa sida shaqaalahani u gudan lahaayeen shaqadooda inta lagu guda jiro Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka Golaha Baarlamanka iyo Deegaanka.

Gabo gabadii waxaa lagu dhaariyey dhamaan shaqaalahan KDQ heer Gobol iyo heer degmo ee sadexda gobol ee galbeedka(Awdal, Maroodi-Jeex iyo Saaxil).

waxaana halkaa kula dardaarmay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxda sadexda Xisbi Qaran(UCID,KULMIYE iyo WADANI) oo aad ugu nuux-nuuxsaday muhiimada shaqada ay qabanayaan ay qarankan u leedahay lagana rabo in ay dhexdhaxaad nimo, Cadaalad iyo dhowrsanaan ku sifoobaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*