Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Macallin dugsi sare oo ku yaal xaafad ku taal Paris ayaa madaxa laga jaray galabnimadii Jimcaha sida ay sheegayaan Masuuliyiinta France kuwaas oo sheegay in Macalinka La Dilay kadib markii uu Ardaydiisa Dugsiga Ku Tusay Sawiro Kartoon “Cartoon” ah oo uu ku Tilmaamay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Weerarka ayaa dhacay wixii ka dambeeyay 5-tii galabnimo isaga oo ka dhacay meel ku dhaw Iskuul ku yaala Xaafada Conflans-Saint-Honorine oo ku taal waqooyi-galbeed ee Paris sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Dalka France.

Booliska Faransiiska ayaa la sheegayaa in ay isla goobta ku dileen Qofkii looga shakisnaa dilka Macalinka.

Macalinka La Dilay ayaa la sheegayaa in uu ahaa Macalin dugsiga sare ka dhiga taariikhda juqraafi xilli ay Waalidiinta Dugsigu ka cabanayaan in Macalimiinta u dhashay dalka France ay Ardayda Dugsiga ku baraan sawiro Kartoon “Cartoon” ah oo ay ku tilmaamayaan Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee” iyaga oo waliba casharka ugu magac daray xorriyatul qowlka sida uu sheegay telefishanka BFM ee France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*