Madaxweynah Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Golaha Wakiilada Ee 15-ka Sano Xilka Ka Haya Dalka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in loo baahan yahay wakhtigeediina la joogi in la qabto doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaas oo uu xusay in ay muhiim tahay qabashadoodu, maadama oo ay muddo dhaaf yihiin.

Madaxweyne Biixi, oo ka hadlayey Xafladda Qallin jebinta Jaamacadda Camuud, waxa hoosta ka xariiqay in wixii qabyo ah ee jirta la dhamaystiri doono oo la geli doono marka la helo Goleyaal la soo doortay, laakiin inta ka horreysa doorashada qabsoomideeda ay ka shaqayn doonaan.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa diyaar loo yahay in la saxo dawlada sidoo kalela tayeeyo, si loo tayeeyana waa in Siyaasada la tayeeyaa”.

“Waxa aynu ku saxaynaa inaga oo raacna dastuurka, Golayaasha la doorto waa 3 labada Gole ee  wakiilada, Golaha dawlada hoose iyo madaxtooyada “.

“3-daas doorashadoodu hadii ay muddo dhaafaan waa la wareerayaa oo bulshadu way is qabsanaysaa, Gobaladu way is qabsanayaan oo khalad ayaa imanaya”.

“Sababta oo ah waxa 5 sano muddo xileedka looga dhigay in madaxtooyada, dawlada hoose iyo Golaha wakiilada la qiyaaso waxa ay qabteen, hadii ay wanaag iyo khayr hor seedaan in loogu celiyo hadii ay gudan waayaan shaqadoodana si nabad galyo ah loo badalo”.

“Laakiin hadii Golihii yidhaahdo la i badali maayo oo uu dhaqaaqi waayo, oo uu Madaxweynuhu yidhaa anigu waan iska fadhiyayaa, oo Golayaashii iska fadhiyaan waa la murgayaa”.

“Markaa waxa aan u baahanahay Golayaasheenu in ay ku shaqeeyaan mudada loo qabtay dhibaato iyo dhaqaale la’aan ha iska jirana laakiin in wakhtigooda la doorto inaguna ku daba jirno ayaa loo baahanyahay”.

“Laakiin Gole 15 sano fadhiya dalka waxa uu ku keenayaa jaha-wareer iyo is qabsi”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*