Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Amray In Ciidamada Maraykanka Laga Saaro Somaaliya & Madaxweynaha Somaliya Farmaajo Oo Ka Jawaabay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa lataliyeyaashiisa u sheegay qorshihiisa ku aadan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya si uu uga dhabeeyo balanqaadyadii ololaha ee ahaa in askartooda la keenayo dalkooda inkasta oo dalka ay wali ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab sida uu qoray wargayska Bloomberg.

Pentagon-ka ayaa bilaabay dejinta qorshayaasha madaxweynaha, waxaana wadahadalada ku lug lahaa Lataliyaha Amniga Qaranka Robert O’Brien, Xoghayaha Difaaca Mark Esper iyo Gudoomiyaha Wadajirka ee Shaqaalaha Mark Milley.

Mareykanka ayay Soomaaliya ka joogaan Ciidamo ku dhaw 1000 Askri sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay ku jiraan ciidamo gaar ah oo gacan ka geysanaya tababarka ciidamada Soomaaliya kuwaas oo loo diray Somaliya intii uu madaxweyne Trump hogaaminayay dalka kuwaas oo ka qayb qaatay weeraro ay ku qaadeen Kooxda hubaysan ee Al shabaab.

Dhanka kale Madaxweyaha Somaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in ay ciidamada Maraykanku ku sii sugnaadaan dalkiisa maadama ay ciidamada Somaliya ka caawinayaan in ay ka adkaadaan Kooxda Al-Shabaab.

“Runtii waan ka mahadcelineynaa taageerada Mareykanka, waana ku faraxsanahay waxa uu Mareykanku qabtay, waxaana jeclaan lahaa inaan aragno ciidamada oo sii joogaya illaa iyo inta laga gaarayo howsha 100%,” ayuu Cabdullaahi ku yiri wareysi uu khadka taleefanka ku siiyay Bloomberg.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*