Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Fariin U Diray Qarmada Midoobay

Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi ayaa fariin adag u diray qaramada Midoobay xilli uu khudbad ka soo jeedinayay Shirka 7aad Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Sanadahan dambe Haayado aan siyaasada Galin oo ay ka mid tahay Haayadaha Qaramada Midoobay iyo haayado kale oo isku magacaaba Kuwo samafal ah oo dadka cashuur bixiyayaasha lacag kaga soo qaata waxa aanu gar-gaaraynaa dad badaahan”.

“Waxa ay sanadahan bilaabeen in ay u dhaqmaan si siyaasad ah oo wax u dhibaysa ama aan ku haboonayn qaranimada Somaliland iyaga oo fuliya waliba raaca Amarada laga siiyo Villa Somaliya ee dawlada ay iyagu ilaaliyaan mushaharkana siiyaan waliba sidii ilmo yar u dhool-dhooliyaan ayay amaradeeda qaataan markaas ayay soo gudbiyaan si ay Somaliland ugu dhaqanto taasina ma suurtagalayso”.

“Wiilka Qarmaada Midoobay ee jooga Muqdisho waxa uu u joogaa Somaliya, Anagu waan Ixtiraamaynaa qaramada midoobay diyaar ayaanan u nahay in aan la shaqayno, dawlada walba oo caalamka ahna wada shaqayn iyo walaaltinimo ayaan u haynaa, kuwa jaarka ahna walaaltinimo ayaan u haynaa Inta uuna ku soo xad gudbayn sharaftayada Iyo Qaranimadayada”.

“Waxa aanu ka rabnaa in aan u dhaqano anaga oo is Ixtiraamayna oo uu la dhaqmo Somaliland Haayadaha Qarmada Midoobay ka yeelimayno in ay noo soo qaadaan Qorshe iyo amaro laga soo bixiyay Muqdisho in ay nagula dhaqmaan oo ay somaliland keenaan waa xaaraan”.

“Dalkeenu waa dal Qani ah laakiin dadkeena ayaa u baahan in la caawiyo waana wakhti uu dal walba oo adduunka ah soo maray”.

“Haayadaha waxa aanu muddo dheer isku haynay oo aanu qoraal, Af iyo shirba ugu sheegnay in ayna Somaliland ka mid ahayn Dawlada Somaliya ee ay Ictiraafsanyihiin, Col ayaanan nahay, wixii aad dalkeena taraysaan anaga ayaad nagala tashanaynsaan, Ninkii taas yeeli waaya wixiisa ha iska haysto hadii ay dawlad tahay iyo hadii ay haayado yihiinba”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*