Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Wasaarada Caafimaadka Uga Mahadceliyay Dadaalka Ay U Samaysay Ka Hor Taga Xanuunka Korona.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL si gaar ah ugu mahadiyay masuuliyada ay qaranka u hayso ee adeega horumarinta caafimaadka dalka JSL.

Madaxweynaha oo ku gudajira qudbadiisii shirwaynaha Afaraad ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay waxa qudha ee uu xusayaa in ay tahay dedaalkii adag ee Wasaaradda H. Caafimaadka JSL ay ka gashay Kahortaga iyo Xakamaynta Xanuunka Coronavirus.

Madaxweynaha oo deddaalka wasaaradda ku amaanay ayaa dhanka kale mahadnaq u diray: Dhakhtarada, bulshada, ganacsatada, hay’addaha iyo dhamaan cid kastoo ka qayb qaadatay deddaalkaasi isaga oo tilmaamay ta eebbe kasokow in wadajir iyo kaalmihii kala duwanaa ee cidiba awooddeeda ay kaga qayb qaadatay ay sahashay in laga bedbaado halistii badnayd ee Coronavirus dunida badankii uu u gaystay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*