Madaxweynaha Somaliland Oo Beesha Caalam-ka Waydiiyay Sababta Aan Somaliland Loo Aqoonsan Muddo 30 Sano Ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa gef ku tilmaamay tallaabada beesha caalamku ku hagratay Somaliland iyo dawladnimadeeda.

Somaliland ayaa muddo 30 sano ah aqoonsi la’aan ah inkasta oo ay noqotay dal gaar ah oo dhistay wax walba oo looga baahanyahay dawladaha adduunka sida calan gaar ah, ciidamo gaar ah, Amaan aanay lahayn wadamo badan oo adduunka ah iyo waliba waxyaabo badan oo kale.

Xilli uu Madaxweynuhu fariin u diray beesha caalamka inii uu socday Shirweynihii Xisbiga Kulmiye ayuu yidhi”Somaliland iyo shirweynaha KULMIYE, waxa ay bulshada caalamka u dirayaan oo aannu leenahay bulshada Somaliland aad bay uga xun tahay, mana garowsana, 30-sannadood oo ay dalkooda dhisayeen oo ay nabad kusoo celiyeen oo ay horumar dhaqaale, mid aqooneed iyo mid dhinac walba ah sameeyeen oo ay doorashooyin Dimuqraaddi ah oo xil isku wareejin ah sameeyeen oo xisbiyo tartamaya sameeyeen, khilaafkooda oo aanay cidina soo dhexgelina dhammaysteen, waxannu leenahay in indhaha laga qabsado oo aqoonsiga lagala maago waxanu leenahay ma qabato Somaliland Somaliland”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*