Madaxweyne Muuse Biixi:”:-Waxa Aan U Sheegaynaa Beesha Caalamka, In Aqoonsiga La Siiyey Somalia Uu Noqday Hub Lagu La Dagaallamo Horumarka & Nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland”

Madaxwenaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa beesha caalamka u diray fariin ku saabsan Dawlada Muqisho laga maamulo ee Somaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad taariikhi ah ka soo jeediyay furitaanka shirweynaha 4-aad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE Kaas oo maanta si Rasmi ah uga furmay magaalada Hargiesa.

Madaxweyne Biixi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Somaliland waxa ay si cad ugu sheegaysaa beesha caalam-ka Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa, Ururka Africa, Uru Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta, Dallada Dawladaha Islaam-ka iyo cid kasta oo arimaha Somaliya daneeya, waxa aanu si cad ugu sheegaynaa in aqoonsiga la siiyay qayb ka mid ah dalkii bur-burtay ee la odhan jiray Somali Repablic in uu noqday Hub Lagula dagaalamo Xasiloonida, Horumarka Nabadda Iyo Qaranka Somaliland”.

“Waxa aanu cid walba si cad ugu sheegaynaa Somaliland In la tijaabiyo qaranimadeeda, oo Cid walba oo dawlada Xamar Joogta ka xoog weyn isku dayeen in ay wax yeeleeyaan laakiin qaranka Somaliland yahay Bir Lamb aan qaranimadooda laga taaban karin”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*