Madaxweyne Muuse Biixi Xaq Uma Laha In Uu Mar Kale Isku Sharaxo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mar kale dhaliilo u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi kadib markii uu ku guulaystay Hogaanka Xisbiga taalda Haya ee KULMIYE.

Maxamuud Xaashi Cabdi Oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uuna Madaxweyne Muuse Biixi xaq u lahayn in uu mar kale isku sharaxo hogaanka Xisbiga KULMIYE.

Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi”Horay ayaan uga hadlay Aragtidii aan ka qabay shirweynihii 4-aad ee Xisbiga KULMIYE, War la qabo xiiso male sidaas darteed waxba kagama noqon maayo”.

“Mala rag waa Nooli Ayaa Horay yidhi, sidii aan saadaalinayay ayuu u dhacay shirkaasi, ma ihi qof xaasida ah oo ka xumaada Libta haldoorka kale, hadii aan bogaadin lahaa waxaa shaasheeyay Is caleemo saarkii Madaxweyne Muuse Biixi cabdi oo ahaa mid sharci daro ah”.

“Sidaas darteed ma taageerayo sharci daro laf jab ah oo ii muuqata, Arintan waa dhacdo ku cusub Xisbiga KULMIYE, Hadii Madaxweyne Muuse Biixi u arko doorashadiisii loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Guul Xisbiga KULMIYE U Soo hoyatay waan ka aragti duwanahay, waxaan aaminsanahay Guuldaro Xisbiga KULMIYE guul Gal u yahay maanta, waxaan aaminsanahay in ay tahay cudur iyo cawaaqib Xumo Xisbiga KULMIYE la kawsatay”.

“Madaxweyne Muuse Xaq uma laha in uu mar kale isku soo sharaxo Jagada Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, hasa yeeshee xaq ayuu u leeyahay in uu isku soo sharaxo Mar 2-aad jagada madaxweynenimo ee uu hada hayo”.

“Xaqa uu leeyahay duudsiyi maayo, Wax uuna xaq u lahayna ka mid noqon maayo kuwa u jaameeya ee jarka ka tuura”.

“Jagada Gudoomiyanimada ee uu Madaxweynuhu Ju-juubka ku qaatay, waxay ka dhigantahay Murtidii Somalidu Odhan jirtay “Hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho”.

“Waxay somalidu sidoo kale ku maah-Maahdaa Lugtii Jeeniga dhaafta way jabtaa, waxa aan leeyahay Madaxweynaha Humaaga maskaxdaada, iyo hunka hareerahaaga ka baxaya ma moodin dhab ee waa dhalanteed”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*