Muxuu Ku Salaysanyahay Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Madaxweyne Muuse Biixi & Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay madaxweynaha somaliland muuse biixi cabdi iyo wasiirkiisa arimaha gudaha somaliland maxamed kaahin sida ay ilo xog ogaal xaqiijiyeen

Khilaafkan ayaa salka ku haya arinta diyaaradaha Air-arabia iyo Fly Dubai, taasi oo wasiirka arimaha gudahu ku adkeystay in la madaxweynahu u fasaxo in ay dib uga hawlgalaan dalka

Shir aan caadi aheyn oo maalintii shalay uu madaxweynahu isagu yeedhay golahiisa wasiirada ayuu ka dhex kacay wasiirku, isagoona lug kaga baxay madaxtooyada, iyadoona wararka qaar tibaaxeen in uu si weyn uga sii cadhooday hadalo ay soo jeediyeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub iyo Wasiirka ganacsigu Saajin

Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa dhinaca kale ka gaws adeygay inuu qeyb ka noqdo wefti madaxweynahu hogaaminayo oo u baxayay gobolada bariga somaliland, isagoona ku sugan hargeysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*