Ninkii Qoorta Ka Jaray Macalinkii Af-lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee” Oo La Ogaaday Cida Uu Yahay.

Qofkii Madaxa ka jaray Ninkii Af-lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee” ayaa la sheegayaa in uu ahaa Wiil yar oo 18 jir ah kaas oo u dhashay dalka Russia asal ahaan ka soo jeeda gobolka koonfureed ee Ruushka ee Chechnya.

ilo garsoor ayaa u sheegay AFP in maanta oo sabti ah dhacdadaas loo xidhay 5 qof oo cusub taas oo guud ahaan dadka loo xidhay dhacdada ka dhigaysa 9 qof.

Macalinka ayaa lagu dilay xaafad ka baxsan caasimada Paris kadib markii uu Kartoon “Cartoon” ku tilmaamay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Hooyada Wiilka qoorta ka jaray Ninka Gaalka ah oo isna shahiiday ayaa ka mid ah dadka loo xidhay dhacdada haatan ku jira gacanta booliska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*