Qarax Ay Ku Dhinteen Kuna Dhaawacmeen Dad U Badan Caruur Dugsi Quraan Dhiganaysay Oo Ka Dhacay Pakistan

Qarax ka dhacay dugsi lagu barto quraanka oo ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ayay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof waxana ku dhaawacmay 109 qof oo kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Qaraxa ayaa ka dhacay masaajidka Speen Jamaat, oo sidoo kale ah Dugsi lagu barto quraanka Kariimka iyada oo uu qaraxu dhacay 8:30 subaxnimo waqtiga maxalliga ah.

“[Ardaydu] waxay halkan ku akhrinayeen Quraanka, waa markii uu qaraxu dhacay,” ayuu taliyaha bilayska Peshawar Muhammad Ali Khan u sheegay wariyeyaasha meel u dhow goobta uu qaraxu ka dhacay.

Baaritaankii ugu horreeyay wuxuu muujinayaa […] in shan illaa lix kiiloogaraam oo u dhiganta 11-13 rodol oo walxaha qarxa la isticmaalay Iyada oo qof boorso kaga tagay waxyaabaha qarxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*