Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble Oo Kulan La Qaatay Safiirka Somaliya Ee Midowga Yurub & Waxyaabihii Uu Kala Hadlay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay safiirka Midowga yurub ee Somaliya Nicolas Berlanga isaga oo ku qaabilay xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa arintaas ku xaqiijiyay bogiisa uu ku leeyahay Twitter-ka kadib markii uu kulanka la qaatay safiirka Midowga yurub ee Somaliya Nicolas Berlanga.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Roobleh ayaa shaacgay in uu safiirka Midowga yurub ee Somaliya Nicolas Berlanga kala hadlay arimo badan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qaatay “Waxaan la yeeshay wadahadal wax ku ool ah Safiirka Midowga yurub ee Somaliya Nicolas Berlanga”.

“Waxa aan Nicolas Berlanga ka wada hadalnay Waxaan ka wada hadalnay iskaashiga horumarineed ee Midowga Yurub ay la leeyihiin Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay amniga Iyo doorashooyinka, Midowga Yurub waxa ay tabarucaad muhiim ah la garab taaganyihiin dalkeena”.

1 Comment

  1. hal wax baan idinka dalbanayaa waraka waa inaad xiligay soo dhacaan soogalisaan idinkoo mahadsan imika warkan hooyadan saaka ilaa xaly wuu jiray hadna mardhawaydbaad soogaliseen please dalabkayga hala fuliyo silayskugu sii xidhnaado

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*