Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Safiirada Wadamada Waqooyiga Yurub & Waxyaabihii Uu Kala Hadlay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay danjirayaasha dalalka Waqooyiga Yurub ee Soomaaliya isaga oo kala hadlay iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya dalalkooda. Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xafiiska raysal wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa todobaadkii hore ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta amniga dalka.

Sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha, arrimaha looga hadlay kulanka ayaa ku saabsanaa doorashooyinka soo dhowaanaya, dowlad wanaagga, caddaaladda, iyo nabad-dhisidda Soomaaliya. Raiisel wasaaraha ayaa sheegay inuu kulan miro dhal ah oo wax ku ool ah la qaatay danjirayaasha iyaga oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah sida amniga, doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, dowlad wanaaga, iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Ugu dambayn Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey safiirada dalalka Waqooyiga Yurub oo ay ka mid yihiin Denmark, Finland, Norway, iyo Sweden taageerada ay la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka ee dhinacyada kala duwan leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*