RASMI: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Oo Loo Doortay Hogaamiyaha 1-aad Ee Xisbiga Kulmiye.

Madaxweynah jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale loo magacaabay Gudoomiyaha 1-aad ee xisbiga KULMIYE isaga oo Xisbiga hogaamin doona 5-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Buuxu Biixi ayaa kaligii ku ahaa dadkii u tartamayay hogaanka xisbiga kulmiye isaga oo 5-ta sano ee soo socota noqon doona hogaamiya ahna musharaxa madaxweyne ee xisbiga.

Muuse Biixi ayaa helay codka ugu badan iyada oo ayna jirin cid ka aamustay sidoo kale ayna jirin cid diiday codaynta madaxweynaha.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa loo doortay Maxamed Kaahin Axamed ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.

Waxa Gudoomiye ku xigeenka 2-aad loo doortay Axmed Cabdi Xuseen iyada oo Gudoomiye ku xigeenka 3-aad loo doortay Xuseen Aadan Cadde halka uu gudoome ku xigeenka 4-aad noqday Wasiirka Maxamuud Xasan Sacad saajin oo ah Wasiirka Ganacsiga Somaliland.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*