Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland WADDANI, UCID & KULMIYE Oo Kulan La Qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

Madaxda saddexda xisbi ee Somaliland WADDANI, UCID iyo KULMIYE iyo Sagaal ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ayaa kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysa, kulankan oo dhawr saacdood qaatay ayaa ka qabsoomay Hotel-ka Ambasador ee magaalada Hargeysa.

Masuuliyiinta ka socday xisbiyada Somaliland iyo weftiga balaadhan ee Beesha Caalamka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay hannaanka qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada iyo sidii loo dardar gelin lahaa tabaabushahooda.

Kulankan ayaa sida oo kale lagu darsay sidii haweenka iyo dhallinyarada looga qayb gelin lahaa siyaasadda ugana qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka soo socda. Sida oo kale waxa lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda siyaasadeed ee beelaha la hayb sooco.

Kulanka waxa xisbiga WADDANI ku metelayay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Mudane Xil Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Hoggaamiyaha xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi & Xoghayaha gaarka ah Mudane Cabdilqaadir Iidle.

Dhanka wakiillada Beesha Caalamka waxa ka mid ahaa safaaradaha Finland,  Sweden, Germany, Denmark, Netherlands, Midawga Yurub, Xafiiska Hargeysa ee Ingiriiska iyo xubno kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*