Safaarada France Ku Leeyahay Dalka Sucuudiga Oo Weerar Lagu Qaaday.

Muwaadin Sucuudi ah ayaa ku weerar ku dhaawacay mid k mid ah Ilaalada Safaarada dalka France ku leeyahay dalka sucuudiga gaar ahaan Caasimada Jidda sida ay sheegtay warbaahinta dawlada iyo Safaaraduba.

“Gacan ku dhiiglaha waxaa qabtay ciidamada amaanka ee Sacuudiga isla markii uu weerarka fuliyay, Ilaalada dhaawac loo gaystayna waxa loo qaaday Cusbitaalka xaaladiisuna waa mid dagan”waxa sidaas yidhi safaarada uu France ku leeyahay Sucuudiga.

Booliska Mecca, oo ah halka ay ku taallo Jeddah, ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu u dhashay Sucuudiga laakiin may sheegin dhalashada Ninka Ilaalada ah ee la dhaawacay kaas oo dhaawacyo yar-yar soo gaadheen.

Safaaradda Faransiiska ee Riyadh ayaa si adag u cambaareysay weerarka waxayna ku boorrisay muwaadiniinteeda ku sugan Sacuudiga in ay sameeyaan feejignaan dheeraad ah.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo safaaradda Faransiiska midkoodna ma bixin sababta uu Ninku u gaystay weerarka una dhaawacay Ninka Ilaalada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*